Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS ahna ku-simaha madaxweynaha Somalia, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madax sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo ay hoggaaminaysay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika Molly Phee, ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika danjire Micheal Hammer iyo danjire Shane Dixon oo ah sii-hayaha danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.
Kulanka oo looga hadlayay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dal ayaa inta uu shirka socday waxay isla soo qaadeen heshiis beenaadkii ay wada-galeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, ayuu afhayeenku tilmaamay in madax-bannaanida dhuleed iyo badeed ee dalka aan lagu soo xad-gudbi karin, waxaana ay mas’uuliyiintu sheegeen in dowladda Mareykanka ay mowqif adag ka taagan tahay Ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa xusay in uu taageeraayo dhameystirka dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahad-celiyay taageerada dowladda Mareykanka ay siinayso Soomaaliya oo ay ugu horreyso arrimaha ammaanka, dib u dhiska dalka, dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana uu boggaadiyay sida ay ula shaqeeyaan wadamada beesha caalamka iyo taageerada Soomaaliya ay siiyaan, isaga ooxusay in DF Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarro kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.














