SAWIRRO: Kulan la xiriira is-dhexgalka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Heliwaa

0
298

Xoghayyaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa xarunta degmada Heliwaa kaga qayb-galay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, guddoomiyaha ururka dhallinyarada Gobolka Banaadie iyo qaar ka mid dhallinyarada Caasimadda.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid lagu muujinayay horumarinta is-dhaxgalka bulshada iyo xasilloonida Caasimadda, iyada oo goobta lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka tarjumeysa muhiimadda ay leedahay dal jacaylka iyo ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka iyo dhismaha dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here