Madaxweynaha JFS oo khudbadiisii Shirka Midowga Afrika ku sheegay in lagu qaaday weerar qaawan

0
282

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku suganaa Addis Ababa ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka 37-aad ee Ururka Midowga Afrika ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay si toos ah u weerareen, isaga oo xusay in saacado badan uu ku xayirnaa hoteelkii uu deggenaa, lagana hor-istaagay in uu aado shirka madaxa Afrika, balse ay u suuro-gashay goor dambe in uu raaco baabuurka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in sidoo kale markii ay gaareen afaafka xarunta AU-da mar labaad jidgooyo loo dhigtay isaga iyo madaxweyne Geelle, balse ay aakhirkii galeen gudaha xarunta ururka Midowga Afrika.

Khudbadda uu jeediyay madaxweynaha ayuu ku sheegay in dhaqankan foosha xun ee Itoobiya ay kula kacday uu salka ku hayo go’aanka Soomaaliya ee ka dhanka ah badda dalkeenna ee ay doonayso inay Iyoobiya qaadato, isaga oo xusay in aanay weligood ogolaan doonin in taako ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya la qaato.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhawaajiyay in dhaqankan foosha xun ee ay Itoobiya ku kacday uu sababi doono inaan laga soo qayb-gelin shirarka soo socda ee Midowga Afrika, isaga oo xusay in sidan oo kale loola dhaqmay qaar ka mid ah madaxwweynayaasha Afrika ee ku sugnaa shirka.

Madaxweynaha JFS ayaa ku sheegay hadalkiisa in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii asaasay ururka Midowga Afrika, balse tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Abay Axmed aysan ahayn kuwo loo dulqaadan karo, waxayna ahayeen ixtiraam-darro.

“Itoobiya marmarsiiyo uma helayso damaca gurracan ee ay ku doonayso badda Somalia. Caalamka wuu ka dharagsan yahay sida aan gabashada lahayn ee toobiya ay ku fara-gelinayso madaxbanaanida dhuleed iyo wadajirka Soomaaliya,” ayuu Madaxweyne Xasan ku yiri khudbadiisa.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in uu markii horeba ogaa in caqabaddan uu la kulmi karo, balse uu go’aansaday in uu ka qaybgalo shirka Midowga Afrika oo uusan uga baaqanayn caqabada uu la kulmay iyo kuwo kale oo la filan karay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here