Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo Qaabilay Orodyahan Soomaaliyeed oo guul kasoo hoyay Orodka 5,000-Mitir ee Afrika: SAWIRRO

0
122

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XJFS, mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah orodyahan Soomaaliyeed oo billad-qalin ah uga soo hoyay Soomaaliya orodka 5000 ee mitir ee kulankii 13-aad ee cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaasoo ka dhacay Accra, Ghana, 22-kii Maarso 2024-ka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xil-qaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.

“Orodyahan Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan qaadashadiisu waxa ay dhiirri-gelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin,” ayuu yiri mudane Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenku waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo-abuurka.

“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee si iskood ah isku xilqaama ay guulo intan ka badan soo hoyn doonaan sidii aan uga barannay. Xukuumadduna waxa ay garab-taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa ayna diyaar u tahay inay ku taageerto wax walba oo ay guul ku keeni karaan,” ayuu intaas raaciyay mudane Saalax Axmed.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here