Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay dibadbax lagu taageeray cuna-qabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya, waxaana bannaanbaxan ka qaybgalay shacab aad u fara badan oo watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku soo dhaweynayaan tallaabadan.
Mas’uuliyiinta degmada Dayniile oo hadal u jeediyay dadkii isku soo baxay ayaa sheegay in cuno-qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya ay muhiim u tahay dagaalka lagula jiro Khawaarijta oo dhibaato weyn ku haya shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna sheegeen inay u mahad-celinayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhexda u xirtay in la adkeeyo dowladnimada Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadweynihii bannaanbaxa ka qaybgalay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan sida ay ula dhacsan yihiin go’aanka golaha ammaanka ee QM uu maalmo ka hor ku dhawaaqay in laga qaaday Soomaaliya cuno-qabateyntii hubka ee saarnayd 31-ka sano, taasoo caqabad weyn ku ahayd dagaallada ay dowladdu ku doonayso inay dalka uga xoreyso nabad-diidka.
“Madaxweynaha dalka waa ku mahadsan yahay in dalka uu ku tallaabsado guulo aad u waaweyn oo ay la mid tahay cuno-qabateyntii hubka ee la qaaday iyo inay lagu biirtay ururka iskaashiga Bariga Afrika ee EAC, taasoo ganacsatada Soomaaliyeed fursad u siinaysa inay ganacsiyadooda gaarsiiyaan dalalka gobolka,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dibadbaxan kasoo qaybgalay.
Ugu dambeyn, Degmooyinka iyo deegannada Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta lagu qabtay dibadbaxyo lagu soo dhaweynayo cuno-qabateyntii hubka ee Soomaaliya laga qaaday, iyadoo looga mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh guushan taariikhiga ah ee uu dalku gaaray.





































