Wasiirka Maaliyadda Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhiyo wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta Adduunka (IMF), shirkaas oo socon doona muddo todobaad ah.
Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameynayaa wixii horumar maaliyadeed ah ee u qabsoomay DFS oo muddo laga joogo saddex bilood ka hor laga cafiyay deymihii horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya curyaamiyay.
Qodobbada ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirkan ayaa ah sare u qadidda dakhliga dowladda, hannaanka maamul-wanagga maaliyadda iyo horumarinta barnaamijka qorshaha Qaranka.
Wasiirka Maaliyadda XFS, mudane Biixi Iimaan Cige oo furitaankii shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda iyo guud ahaan DFS ay u qabsoomeen qodobbo la taaban karo oo ay ugu horeeeyaan horumarinta ilaha dakhliga dowladda oo dadaal dheer ay galisay wasaaradda maaliyadda XFS oo kaashanaysa wasaaradaha dowlad-goboleedyada dalka.
Wasiir Cige ayaa u mahadceliyay dhamaan hay’adaha ka qayb-galay kulankan oo ay ka mid yihiin; wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorsheynta, wasaaradda cadaaladda, bangiga dhexe, xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iyo hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.
Ugu dambeyn, Shirka ayaa la filayaa in la soo saaro war-murtiyeed ka hadlaya horumarka maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya sadexdii bilood ee lasoo dhaafay, kaddib gaaristii barta kama dambeysta ah ee deyn cafinta.























