Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray suuq iyo MCH laga hirgeliyey Dayniile./Sawiro.

0
610

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray suuq casri ah oo laga hirgeliyey degmada Dayniile kaas oo ka kooban qeybaha hilibka, khuddaarta, dharka, xafiisyo canshuuraha lagu qaado iyo noocyada kala duwan ee bagaasha. waxaa soo dhoweeyey dadka deegaanka oo u mahadceliyey maamulka Gobolka Banaadir iyo heyadda UN-HABITAT oo mashruucan fuliyey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadiar ahna duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabadda ka hadlay ayaa shacabka degmada Dayniile kula dardaarmay iney ilaashadaan suuqa casriga ah ee loo sameeyey.

Xarig jarka Suuqa Degmada Dayniile ka dib waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadiar ahna duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Caana-boore), Arimaha bulshada marwo Basma Caamir Axmed, maamulka degmada Dayniile, Agaasimayaal iyo guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir uu xarigga ka jaray MCH loogu tala galay in uu u adeego Hooyada iyo dhalaanka ku nool degmada Dayniile gaar ahaan dadka ku nool xaafadda Gubta Barwaaqo iyo nawaaxigeedda.

MCH-kan waxaa dhulka uu ku fadhiyo ku deegday Marwada 1-aad ee dalka Marwo Saynab Macalin waxaana dhismaha iska kaashaday heyadda Qadar Charity iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana dhismaha MCH-ku ka kooban yahay ku soo wareegey Guddoomiyaha Gobolka Banaadiar oo ay wehliyaan ku xigeeenadiisa maaliyadda iyo arimaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here