WASIIR JAAMAC: Waan bogaadinayaa heshiiska difaaca Turkiga waana ka mahad-celinaynaa taageerada hagar la’aanta ah

0
385

Wasiirka gaashaandhigga XF Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku tilmaamay heshiiska difaaca ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga mid muujinaya isbedel wanaagsan iyo mustaqbal barwaaqo ah oo u billowday Soomaaliya.

Jaamac oo u warramayay walaakadda RT World ee dalka Turkiga ayaa sheegay in heshiiskan uu ka dhigan yahay in si wadajir ah loogu go’aansado ciribtirka dhammaan noocyada kala duwan ee dambiyada, isla markaana loo gogol-xaaro sidii loo dhisi lahaa ciidamo tayo leh oo difaaca badaha Soomaaliya.

“Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada ay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga sida joogtada ah noo siiso, waxa ayna taas muujinaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida guud ee dalkeenna iyo tan gobolka,” ayuu yiri wasiir Nuur.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay meel-mariyay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha, waxa uuna heshiiskaas soconayaa muddo 10 sano ah.

Xoojinta awoodda difaaca Soomaaliya

Heshiisku kuma koobna oo kaliya ilaalinta biyaha Soomaaliya, balse wuxuu dhigayaa in la dhiso ciidamada badda Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka badaha Somalia.

“Heshiisku waxa uu ballanqaadayaa inuu xoojinayo dhaqaalaheenna buluuga ah ee kobcaya iyo sameynta waddooyin cusub oo barwaaqo ah oo loogu talagalay inay ka faa’iideystaan muwaadiniinta Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa yiri: “Waxaan ku rajo weynnahay in naloo dhiso ciidamo khibrad leh oo hela tababar heer caalami ah. Kaalmada Turkiga ay dalkeena siiyaan runtii waa mid aan la qiyaasi karin.”

Taageerada aan kala go’a lahayn ee Turkiga

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid ka mid ah qodobbada lagu qeexay siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee ku wajahan Afrika.

Sanadkii 2011, Ra’iisul Wasaarihii xilligaas oo hadda ah Madaxweyne – Recep Tayyip Erdogan waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaaliya ku dhawaad ​​labaatan sano. Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu Soomaaliya ku yimid booqashooyin kala duwan, waxa uuna dhowr jeer Turkiga ku qaabilay dhiggiisa Soomaaliya.

“Haddii aan Soomaali nahay, mar kasta oo aan la kulanno dhibaatooyin, waxa aan ka helnaa gacan taageero walaalaheenna Turkiga,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

“Turkiga waan ku kalsoonnahay, mana illaawayno taageeradooda. 2011-kii markii uu soo cusboonaaday xiriirka labada dal, waxaan ogaannay in walaalaha Turkigu ay aad noo jecel yihiin,” ayuu mar kale yiri.

“Dowladda Turkiga waxa ay noo fidisay gacan walaaltinimo oo dib u soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Tan iyo 2011 – Turkigu wuxuu nala garab-taagnaa taageero aan kala joogsi lahayn. Fariimaha farxadda leh ee ay soo gudbinayaan dadka Soomaaliyeed ee heshiiskan daba socda ayaa marag-ma-doonto u ah xiriirkeeana”.

Taageerada sugidda Amniga ee Turkiga

Warka ku saabsan heshiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii xumaanayso xiisadda u dhaxaysa Somalia iyo Itoobiya, kaddib markii Addis Ababa ay heshiis ku saabsan inay bad hesho la gashay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland, heshiiskaas oo ay Dowladda Federaalku ku tilmaantay mid aan sharci ahayn.

“Muddooyinkii ugu dambeeyay Somalia waxaa soo food saartay caqabado murugo leh oo ku saabsam sugidda amniga xeebaha. Turkiga oo leh ciidamo bad oo xoogga leh, waxay abuurtay kalsoonida saaxiibbada waxayna cabsi gelinaysaa cadawga iman kara,” ayuu yidhi Nuur.

Wasiirka Difaaca ayaa intaas ku daray: “Ka faa’iidaysiga waayo-aragnimada Turkiga waxa ay si weyn uga qayb-qaadanayso ma ahan oo kaliya dowladda Somalia, laakiin sidoo kale waxay gacan ka geysan doontaa nabadda gobolka iyo tan caalamiga ah,” ayuu yidhi.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa yiri: “Turkiga waxa aan ka rajeynaynaa inuu noo dhiso ciidamo xoog leh oo la wareega amniga guud ee badda Somalia, kana difaaci kara dhammaan falal-dambiyeedyada sharci-darrada ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here