Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Caleema saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo ka dhacday xarunta Ciidanka Cirka ee Afisiyooni.
Goobta ay ka dhaceysay munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wafuud sarsare oo ka socotay beesha Caalamka, taas oo muujineysa horumarka dib usoo kabashada ah ee kajira Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.













