Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Alper Aktaş oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka walaalnimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo danjiraha cusub ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab-taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyada horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjiraha Turkiga Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.















