Duqa Muqdisho oo ka qayb-galay Munaasabada Xiritaanka Tartankii Qur’aanka ee Maamulka Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
229

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu soo xirayay tartanka Qur’aan akhriska bisha Ramadaan ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankan oo mid sanadle ah, ayaa waxaa taabo-geliya guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Sh. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana ku tartamay arday ka socday dugsiyadda Qur’aanka Kariimka ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir, kuwaas oo kaalimaha u kala galay sidan:

Kaalinta 1-aad; Mujiiburaxmaan Maxamed Cabdullaahi Kaalinta 1-aad; – Degmada Wabari.
Kaalinta 2-aad; Asmaa Maxamed ibraahim – Deg Wadajir.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, wasiir ku-xigeenka wasaaradda diinta iyo awqaafta XFS, xildhibaanno, culuma’udiin, agaasimeyaal, guddoomiyeyaal degmo, ururka haweenka gobolka Banaadir, macllimiinta dugsiyada, waaliddiin iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here