Soomaaliya oo heshay 1.4 milyan Quraaradood oo ah Tallaalka Cudurka Daacuunka ee Afka laga Qaato: WARBIXIN

0
309

Soomaaliya ayaa la siiyey 1.4 milyan oo ah tallaalka daacuunka ee afka laga qaato oo ku kacaya 2.5 milyan oo doolarka, waxa ayna tani qab ka tahay dadaal dheeri ah oo lagu hakinayo cudurkan oo tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan soo ritay 4,388 qof ayna u dhinteen 54-qof oo ay caruuri ka mid tahay. Tirada kiisaska ay WHO soo warisay sanadkan ayaa saddex jeer ka badan celceliska ahaan saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Tallaalkan ayaa waxaa soo iibisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, waxaana loo qaybin doonaa shan degmo oo dalka ka mid ah, iyadoo 700,000 oo tallaankan ah loo qoondeeyay magaalada Boosaaso ee Puntland oo ay ku dhinteen dadka ugu badan, afarta degmo ee kale ayaa kala ah; Dayniile, Mahadaay, Buurhakaba iyo Balcad.

Hay’adda UNICEF ayaa waxa kale oo ay ku deeqaysaa qalab iyo dawooyin lagula tacaali doono 4,000 oo qof. UNICEF iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa kor u qaadaya horumarinta adeegyada biyaha, faya-dhowrka iyo nadaafadda meelaha uu ka dillaacay cudurkan, waxaana ay fulinayaan wacyigelinta bulshada ee ka hortagga xanuunkan.

Cudurkan Daacuunka ah ayaa waxaa la soo warinayaa inuu ka dillaacay roobabkii ka da’ay Soomaaliya El Nino dhammaadkii la soo dhaafay, kaas oo barakiciyay dad ka badan 1.2 milyan qof. SI kasta ha ahaatee, waxaa si aan kala joogsi lahayn u faafay cudurka daacuunka tan iyo sanadkii 2016-kii, waxaana sababay keentay tirada dadka oo aan helin biyo nadiif ah iyo fayadhawr ku filan, waxaana cudurkan uu ka gudbay xuduudaha dalka. Waxaana jira cabsi laga qabo in roobabka Guga ee Abriil illaa June ay kordhin karaan cudurka.

Roobabka ka hor, maamulka caafimaadka iyo la-hawlgalayaasheeda UNiCEF waxa ay kordhiyeen diyaargarowga iyo ka jawaabista khataha cudurkan, iyada oo uu hagayo qorshe hawleed lix biloodlaha ah oo ku kacaya 5.9 milyan doollar.

Daacuunku waa caabuq calooleed ba’an oo ku faafa cunada iyo biyaha ay wasaqeysan. Tallaalka daacuunku waa bilaash waana sahlan tahay in afka ay dadka oo dhan, gaar ahaan carruurta.

Ugu dambeyn, Sannadkii 2023-kii in ka badan 18,300 xaaladood oo isbiirsaday iyo 46 dhimasho ah ayaa lasoo sheegay, in ka badan kala bar dadkaas waxa ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here