Hawlgalka ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen deegaan ku dhaw degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo qiyaastii 105-km waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
Sarkaal u hadlay AFRICOM ayaa sheegay in hawlgalkan uu ahaa mid ay fasax uga haysteen dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ahaa mid loo fuliyay sidii loogu talo-galay.
“Hawlgalka wuxuu ahaa mid fulintiisa aan la kaashannay dowladda federaalka Somalia, waxaana ku dilnay 10 xubnood oo ka tirsan Al Shabab, mana jirto qof rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM.
Sidoo kale, Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay habeenninadii Isniinta, ayna baaris dheeraad ah wadaan, wixii soo kordhana ay warbaahinta lasoo wadaagi doonaan.
Warbixinta AFRICOM ayaa lagu sheegay in hawlgalkan lagu dilay 10-ka argagaxisada ah uu noqonayo hawlgalkii 13-aad ee ay ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan ka fiuliyaan gudaha Soomaaliya sanadkan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in saddex hawlgal oo ay fuliyeen ciidanka Dowladda Somalia oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaa oo ka dhacay meel u dhow Afmadow. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in tirada maleeshiyaadka lagu dilay saddexda hawlgal ay kor u dhaafeen 40 malleeshiyo.
Dhinaca kale, Ciidamo ka tirsan kuwa DFS oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa gudaha u galay deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose oo ay maamulaan Al Shabaab.
Ugu dambeyn, deegaanka Xagar ayaa 80-km u jirta magaalada Bu’aale ee xarunta maamulka Jubaland oo in ka badan 15 sano ay maamulayeen Al Shabaab. Bu’aale ayaa ah xarunta gobolka Jubada Dhexe, waana gobolka keliya ee ay gabi ahaan ka taliyaan Al Shabaab. Ma cadda in ciidanka ay fariisin rasmi ah ka sameysan doonaan Xagar iyo in ay u sii gudbi doonaan Bu













