Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka digtay in xoolaha udxiyada aan lagu gowracu karin gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo digniintan loo diray dhammaan shaqsiyaadka iyo hay’adaha bixiya udxiyada.
Bayaanka kasoo baxay Dowladda Hoose ayaa lagu sheegay inaan xoolaha lagu qali karin meel aan ahayn kawaannada loogu talo-galay in xoolaha lagu qalo. Waxaana lagu sheegay tallaabadan inay tahay mid lagu ilaalinayo faya-dhawrka caafimaadka Magaalada Muqdisho.













