Mashruuc Gargaar loogu Qaybinayo in ka badan 100-kun oo Soomaali ah oo laga daahfuray Muqdisho: SAWIRRO

0
321

Hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka, hay’adda WFP, safaaraddaha boqortooyada Saudi Arabia iyo boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuc lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Gargaarkan oo ay ku yabooheen dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Britain, waxa ayna soo mariyeen hay’adda King Salmaan ee ka shaqaysa arrimaha gargaarka.

Mashruucan gargaar ah ayaa waxaa raashin cayriin lagu siin doonaa dad gaaraya 97,585, halka dad tiradoodu tahay 34,964 oo qoysna lacaga la siin doono.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha hay’adda, safiirrka Sacuudiga u fadhiya Soomaliya iyo madax ka sacota safaradda Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay ayaa qayb ka ahaa furitaanka mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here