Xafiiska Halwgalka Kaalmeynta KMG-ka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia oo maanta xarigga laga jaray: SAWIRRO

0
171

Wasiirro ka tiraan xukuumadda federaalka Soomaaliya, wakiillada Qaramada Midoobay ee Somalia iyo ergada dublamaasiyadeed ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad rasmi ah oo lagu furitaanka xafiiska hawl-galka kaalmaynta meel-ku-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Munaasabadda ayaa lagu xusay kala guurkii xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) una guuray UNTMIS, is beddelka xafiiskan ayaa astaan u ah horumarka ay dowladda FS ka gaartay isku filnaashaha iyo doorkeeda masraxda caalamiga ah.

Wasiirrada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, warfaafinta, ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM, la-taliye sare Yuusuf Garaad, madax kale iyo safiirro ka kala socday dalal kala duwan ayaa ka qayb-galay munaasabadda shaacinta is beddelka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo laga dhigay (UNTMIS).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here