Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda maanta ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa Yoweri Museveni oo ah madaxweynaha Uganda oo xafladdan qabtay, guddoomiyaha EAC ee sanadkan, mudane Silva Kiir Mayardid iyo xoghayaha guud ee Daladda Bulshada Bariga Afrika, Dr. Peter Mathuki.
“Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya waxa ay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga Afrika ee caalamka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixa kaddib warbaahinta la hadlay, waxa uuna xusay in taallaabadan ay tahay mid xididdada u adkeynaysa ururka EAC oo ay Somalia ka mid noqotay bishii la soo dhaafay.
“Maanta waa maalin taariikhi u ah Somalia iyo daladda bulshada Bariga Afrika ee EAC. Waxaan uga mahadcelinayaa qabashada munaasabaddan madaxweyne Museveni-ga Uganda, Gudoomiyaha Ururka Madaxweyne Silva Kiir iyo xoghayaha dalladda oo dadaal badan geliyay sidii ay u qabsoomi lahayd munaasabadda aan maanta halkan u fadhino,” ayuu hadalkiisa ku billaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa intaa ku daray, in tallaabadan ay xaqiijin u tahay hirgelinta wadajirka dalalka ku bahoobay dalladan iyo inay xaqiijinayso in tallaabadan ay fursad u tahay bulshada ku nool Bariga Afrika oo si laab furnaan ah u wadaagi doona fursadaha ka jira waddamada ku bahoobay ururka.
“Hadafkeennu waa mid cad – waa in aynu xoojinno xiriirkeenna, ka qayb-qaadanno barwaaqada la higsanayo, kaalin mug lehna ku yeelanno qaabeynta mustaqbalka ifaya. Waxaana naga go’an in aan kor u qaadanno ganacsiga gobolka,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha JFS ayaa ku sheegay khudbaddiisa in Dowlada Somalia ay ka go’an tahay inay abuurto ilo dhaqaale oo sare u qaadaya shaqada ururka, waxa uuna sheegay inay taasi caddeyn u tahay dagaalladii adkaa ee kooxda Alshabaab looga xoreeyay deegaanno badan iyo horumarada uu dalku ku tallaabsaday sida cafinta dayntii lagu lahaa Soomaaliya.




























