Guddoomiye Madaale oo Dhagax-dhigay dhismaha Waddo Laami ah oo muhiim u ah isku socodka Ganacsiga: SAWIRRO

0
241

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga Via Uganda oo ah waddo isku xirta isgoyska Dabka iyo jidka Dekadda oo dhex marta degmooyinka Waabari iyo Xamar-jajab.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Waabari iyo Xamar-jajab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa sheegay in ay sii socon doonaan mashaariicda dhismaha waddooyinka caasimadda, isagoo sheegay in waddadan oo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo gaadiidka ganacsiga lagu sameyn doonno ballaarin si loogu wada faa’iideysto.

Ugu dambeyn. Wuxuu intaas ku daray in waddooyinka Caasimadda ee bulshada dhibaatada ku qabaan gaar ahaan waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha uu maamulka gobolka Banaadir dhawaan wax ka qaban doonno, si bulshada dib loogu celiyo canshuurta laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here