Duqa Muqdisho oo beeniyay warar been-abuur ah oo suuqa la geliyay: MUUQAAL

0
379

Guddoomiyaha Goboka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo maanta kormeeray xarumaha sumadda loogu sameynayo Mooto Bajaajta ayaa beeniyay warar suuqa la geliyay oo ah in 150-doollar lagu rinjiyaynayo Bajaajta.

“Wararka suuqa la geliyay ee ah in lacag 100 doollae ka badan lagu rinjiyeynayo Bajaajta, waan been oo dhallinyarada ayaa afkooda ka beeniyay, waxayna qireen in 35-doollar laga qaadayo,” ayuu yiri Mudane Yuusuf Madaale.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyay dhallinyarada Bajaajta ku shaqeysta sida ay u ajiibeen inay sumad u yeeshaan mootooyinkooda, innaguna waan ku ammaanaynaa, hawshuna way socotaa.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa sheegay inuu rajeynayo in hawsha billaabaray ay dhawaan soo gunaanadi doonaan dadka shaqada gacanta ku haya hawsha, wixii kalena la isaga imaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here