Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabadda daahfurka shirkadda Smart Group ee wakiilka ka ah shirkadda XCMG oo ah shirkadda 3-aad ee ugu weyn dunida ee soo saarta gawaarida iyo mashiinada loo isticmaalo dhismaha, beeraha iyo adeegyada kale ee horumarinta Magaalooyinka.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in daah-furka shirkadan ay kusoo beegmayso xilli baahi loo qabo helida mashiinada waaweyn, maadaama Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso horumar dhinaca dib-u-dhiska iyo wax soo saarka.
Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga XFS, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Xildhibaano, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Madaxda Bangiyadda, Wakiilo ka socday shirkada XCMG ee dalka Shiinaha, Ganacsato, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.































