Deegaanadda Galmudug Oo ka Bilowday Sifeynta Al-Shabaab

0
299

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maanta howlgalo Lagu baadi goobaayo haraadiga Maleeshiyaadka Al shabaab ka sameeyay Deegaanno ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa gudaha u galay Deegaannada Laas-gacameey, Dhaghaye iyo Xeradii Taliska 21 ee Duleedka Bacadweyne halkaas oo la tuhunsanaa inay dhuumaleeystaan Maleeshiyaadka Al shabaab.

Saraakiisha Ciidankaas maanta huggaamineeysay ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in Maleeshiyaadka Al shabaab ka carareen Deegaannadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here