SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo Daah-furay Barnaamijka Qorshaha Farsamo ee Xal u helidda Bakarakacaayasha

0
445

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay barnaamijka qorshaha farsamo ee xal-u-helida barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo Hay’adda IOM.

Madashan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somalia ahna u-qeybsanaha hawlaha bani’aadannimada, mudane George Conway, Hay’adda IOM iyo xubno farsamo oo ka socday wasaaradda qorsheynta XFS, ayaa lagu kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhigaya sidii loo taageeri lahaa xafiiska Xalka Waara (DSU) ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii xalwaara loogu heli lahaa barakacayaasha ku dhaqan gobolka Banaadir sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ka mid tahay, waxbarasho, caafimaad, deegaameyn iyo in shaqo abuur loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here