Guddoomiye Madaale oo kormeeray Goobihii ay biyo-dhigeen Roobab xoogganaa ee ka da’ay Muqdisho: SAWIRRO

0
511

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo warbixin ka dhageystay guddiga maareynta iyo xal u helidda saameynta ay roobabku reebeen.

Guddiga ayaa xusay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabka la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, sidoo kalena ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo nadaafada Muqdisho.

Duqa Cassimadda ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Muqdisho, sidoo kale in dib loosoo celiyo bilicda Caasimadda iyo in la caawiyo dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay.

Ugu dambeyn, Duqa magaalada Muqdisho ayaa guddiga heer gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo xaalad kasta oo soo kororta, taas oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qaybo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here