Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood, waxa ayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.
“Waxaan aad uga walaacsannahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wadajirka ah.
Waxaa kaloo lagu yiri: “Waxa aan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan oo ay galaan wadahadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed.”
Sidoo kale, Saaxiibbada beesha caalamku waxa ay ka dhawaajiyeen inay ku celinayaan baaqoodii ahaa in gargaarrada bani’aadanimo aan la hor istaagin, isla markaana si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda.
Ugu dambeyn, war-saxaafadeedkan, waxaa wadajir u soo saaray: Hawlgalka kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.













