Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somalia oo soo saartay amarro culus oo ka dhan ah Khawaarijta

0
377

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibyada masaajidda looga digayo inay la macaamilaan Khawaarijta Al-shabaab.

Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culumada, gaar ahaan khadiibyada, mu’adimiinta iyo imaamyada masaajidda.

Wasiiradda diinta ayaa culumada uga digtay inay la macaamilaan Khwaarijta Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ayaa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo argagixisada.

Qodobbada ayaa u qornaa sidan:

1 – In habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah.

2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaamiirta dowladda.

3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here