Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashadda Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdifataax Axmed Barre ayaa kulan isugu jira isbarasho iyo dardargelinta shaqada la yeeshay qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha iyo hawlwadeennada agaasinka waxbarashadda Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna ka dhageystay agaasimayaasha shaqooyinka baaxada leh ee ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir.
Waaxyaha agaasimuhu uu maanta la kulmay waxa ay kala yihiin; La-taliyaasha Agaasinka, Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha Waxbarashada, Waaxda Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, Waaxda Tayo-Dhawrka iyo Hal-beegyada Waxbarashada iyo Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha.
Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada in ay shaqadooda u gutaan si hufan oo hagaagsan.














