Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo ay uga qayb-galayaan meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha golaha ammaanka, shirkaas oo dhacaya 6-da bishan Juun.
Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Somalia iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee QM waxaa u billaabanaya muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka Dec, 2026.
Musharraxnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika xilligan u gaarka ah bariga Afrika, waxa ay ku hanan doontaa si aan tartan ku jirin, taas oo la jaan-qaadaysa hannaanka kaltanka wareegga ee Afrika.
Somalia ayaa musharraxnimadeeda ku dhawaaqday sanadkii 2018-kii, iyada oo ku heshay taageero kulankii caadiga ahaa meertadiisa 44-aad ee golaha fulinta ee Midowga Afrika oo qabsoomay bishii Feb, 2024.
Ugu dambeyn, Soomaaliya oo xubin ka ah Qaramada Midoobay tan iyo markii ay xorowday 1960, waxa ay horay xubin uga noqotay golaha ammaanka oo muddo xileedkeedu ahaa; sanadihii 971-1972-kii, waxa ay kaalin lixaad leh ka qaadatay go’aan ka gaaridda arrimaha nabadda iyo amniga caalamka.















