Somalia ayaa loogu doortay xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib, Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay.
Doorashadan ayaa noqonaysa middii 2-aad muddo 52 sano laga joogo, markaas oo Soomaaliya kursigan loo doortay markii ugu horreysay, waxaana arrintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Somalia ka sameysay arrimaha dublumaasiyadda, ammaanka iyo siyaasadda.
Soomaaliya ayaa ahayd musharraxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada. Somalia ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka.
Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaan-gooyo arrimaha muhiimka ah ee caalamka sida ammaanka, xasilloonida iyo siyaasadda.
Dhanka kale, Somalia ayaa qayb ku yeelan doonta go’aannada waaweyn ee adduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo ammaanka caalamka.
Ugu dambeyn, waxaa doorashadan kusoo baxay marka laga reebo Soomaaliya dalal ay ka mid yihiin; Denmark, Pakistan, Giriigga iyo Panama oo iyaguna tartan adag u galay doorashada ka mid noqosha xubinnimada aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.













