Agaasimaha gurmadka deg-dega ee Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed (Dhaloole) oo hoggaaminaya shaqale gaaraya 14 qof oo loo xushay inay qaataan tababar heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan maareynta musiibooyinka ayaa waxaa xarunta dabdamiska iyo tababarada magaalada Konya ee dalka Trukiga kusoo dhaweeyey agaasimaha guud ee dabdamis magaaladaas Cevdet IŞBİTİRİCİ. Labada agaasime ayaa ka wadahadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka waaxyaha dabdamiska ee Muqdisho iyo Konya.
Sidoo kale, Waxaa si rasmi ah ugu furmay shaqaalaha ka socda Dabdamiska Xamar tababar soconaya illaa 13-ka bishan, kaas oo ay ku qaadanayaan casharo ay qayb ka tahay baraatiko kala gaddisan.
Gabagabdii Guddiga xiriirka mataaneynta Magaalooyinka Muqdisho iyo Konyo ayaa la filyaa inay is-dhaafsadaan aragtiyo ku aaddan qorshahooda, waxay kaloo ka wada gadli doonaan qalabeynta iyo tayeynta shaqalaha Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Konya.














