Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda ee mamaulka gobolka Banaadir, mudane Cabdinaasir Xersi Iidle ayaa maanta oo Axad ah soo xiray tababar weriyayaasha idaacadda laba maalmood uga socday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Tababarkan oo ay bixinaysey BBC Media Action ayaa waxa kor loogu qaadayey weriyeyaasha aqoontooda iyo sidii ay u soo saari lahaayeen warar iyo barnaamaijyo tayo leh oo soo jiita dhegeystayaasha.
Axmed Nagaashe oo ka socday hey’adda BBC Media Action oo tababarka bixinayay, ayaa weriyeyaasha la wadaagay tabaha iyo tilmaamaha lagu soo saari karo barnaamijyo iyo warar hufan oo wax u taraya bulshada ku nool caasimadda.
Agaasimaha Idaacadda, Cabdinaasir Iidle oo la hadlay weriyeyaasha Dowladda Hoose ayaa ku booriyey in ay laba-laabaan aqoontooda kana faa’ideystaan waxyaabihii ay ka barteen tababarka la bixinayay labada maalmood.
Agaasime Iidle waxa uu ugu dambeyntii kula dardaarmay weriyeyaasha in ay aqoonta ay barteen u gudbiyaan shaqalaaha kale ee aan nasiibka u yeelan in ay tababarkan soo xaadiraan.
Tababarkan, ayaa waxa uu qeyb ka yahay iskaashi dhex-maray BBC Media Action iyo warbaahinta Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo si wadajir ah u soo saara barnaamijka “Aayaha Nolasha” oo ka baxa Idaacadda Codka Caasimadda ee gobolka Banaadir, barnaamijkaas waxa looga hadlaa arrimaha bulshada iyo sidii bulshada loo bari lahaa isbeddelka cimilada oo dhibaato ku haya caalamka guud ahaan, gaar ahaan Soomaaliya.



















