Shirka Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
356

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirkii koowaad ee looga hadlayo isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana shirkaan oo socon doona laba maalmood lagu soo bandhigi doonaa cilmi-baarisyo la xiriira; isbeddellada cimilada dalka, saameynta ay ku yeeshaan deegaanka, cunnada, hawada iyo qodobbo kale.

Shirka waxaa ka qaybgalaya, ururrada deegaanka. bulshada rayidka, xeel-dheerayaal wax ka qaro arrimaha deegaanka, warbaahinta iyo bahda waxbarashada, iyada oo inta uu shirku socdo la dhageysan doono warbixinno ku aaddan deegaanka.

Doorka warbaahinta ay ku leedahay shirka ayaa waxaa ka mid ah wacyigalinta arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada, waxaana halkaas ka hadlay agaasimaha warbaahinta Gobolka Banaadir, mudane Cabadinaasir Iidle oo sheegay in dhibaatada deegaanka ee dalka haysata ay tahay mid ay dadku gacmahooda ku keensadeen, loona baahan in loo midoobo sidii wax looga qaban lahaa.

“Idaacadda Codka Caasimadda ee Gobolka Banaadir, waa idaacadda keliya ee ee ku taala Muqdisho oo sii daysa barnaamij todobaadle ah oo ku saabsan isbeddelka cimilada iyo deegaanka,” ayuu yiri Cabdinaasir Iidle.

Ugu dambeyn, shirka oo lagu qabtay Hotel Java ee Muqdisho, ayaa gabagabadiisa lagu wadaa in laga soo saari war-murtiyeed loo dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here