SAWIRRO: Shirka Isbeddelka Cimilada Somalia oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho

0
252

Waxaa galabta si rasmi ah magaalada Muqdisho loogu soo gaba-gabeeyay Madasha Isbeddelka cimiladda Soomaaliya oo ah sannad leh. Waxa ay ii ahayd faraxad wayn dhammaan ka qayb-galayaasha iyo madaxda Somalia Climate Change Summit 2024.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo, warbxinno iyo doodo macno wayn uga fadhiyay deegganka iyo Isbeddelka cimilada, sidii dadkeenna looga wacyi-gallin lahaa dhacdooyinka cimmilada ee aan la nool-nahay, isla markaana aan lasii noolaan doonno.

Sidoo kale, xubnahii goobjoog ahaa ayaa halkaas isku weydaarsaday aragtiyo iskaashi oo ku saabsan sidii xalwaara looga geysan lahaa xaaladaha nagu hareersan ee deegganka iyo cimilada.

Shirka, waxaa kasoo baxay talooyin la xiriira deegaanka, Isbeddelka cimilada iyo kobcinta wacyiga dadka Soomaaliyeed sidii xaaladdan adag xal-waara looga gaari lahaa. Madasha waxey dar-daraglinaysaa horumarinta iyo ballaarInta dadaallada wax loogu qabanayo arrimaha ku aaddan isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn, Waxaa goobta laga sheegay in xaaladaha taagan looga gudbi karo in si wadajir ah wax looga qabto iyo adkaysi, dhiirranaan iyo waddaniyad dhab ah oo lagu gaaro guusha hanka dhallinyadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here