Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay wareejinta kawaanka hilibka Suuq Boocle oo ku yaalla waaxda Dhamme Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeynleey.
Duqa Muqdisho oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dib-u-dhiska kawaanka uu qayb ka yahay qorshaha lagu horumarinaayo suuq-yada iyo ganacsiga magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha degmada Dharkeynleey, mudane Yuusuf Maxamuud Cali, xubno ka socday hay’adda FAO oo ka qayb-qaadatay dhismaha kawaanka, agaasimaha waaxda suuqyada Dowladda Hoose ee Xamar iyo qaybaha kala gedisan bulshada degmada Dharkeynleey.








































