Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maalintii sedexaad ku sugan furimaha lagu baacsanaayo Khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada ee hoggaaminaysa hawlgallada sifeynta Khawaarijta ee ka socda Bariga Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, waxa uu saraakiisha ku boogaadiyay guulaha laga gaaray in deegaanno badan oo ka tirsan gobolka laga saaro Khawaarijta, kuwaas oo muddo 15-sano ah dhibaato ku haayay shacabka, isaga oo dhinaca kale xusay in loo baahan yahay sidii loo dar-dargelin lahaa hawl-gallada ka dhanka ah Khawaarijta si Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan dalka loogu sifeeyo haraadiga Khawaarijta.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday tuulooyin dhawr ah si uu ugu kuurgalo isbeddelka nololeed iyo midka amni ee ka jira. Waxa uuna halkaas ku dhiirri-geliyay ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee ku howlan sifeynta Khawaarijta.















