Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si adag uga hadlay dilkii xalay loo geestay AU gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun) isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo baaro sida ay wax u dhexceen.
“Dhamaan Madaxda Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha U naxriisto Guddoomiyahii Degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun)” Ayuu yiri Cumar Filish.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa faray dhamaan hey’addaha amaanka ee gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi, si loo helo cadaalad, lalana xisaabtamo cidda mas’uulka ka ah dilka Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).
Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka oo ka kooban ilaa 7 Xubnood.
- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga).
- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)
- Muuse Cali Eybakar
- Saalax Xasan Cumar
- Yaasiin Cismaan Jimcaale
- Seynab Maxamuud Xaabsey
- Mustaf Cali Kheyre
AU gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun) ayaa ku geeriyooday rasaas lagu riday gaarigiisa oo marayay agagaarka Isgoyska Aadan Cadde, Waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa.
Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).