Sawirro: Shirka Wasiirada Maaliyadda XFS, kuwa Maamul-goboleedyada dalka iyo G/Banaadir oo ka furmay Muqdisho

0
379

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qayb-galay shirka 19-aad ee Wasiirrada Maaliyadda XFS, Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doonna muddo seddex maalmood ah ayaa furitaankiisa waxaa loogu hadlay xogo ku saabsan qodobbadii lagu heshiiyeay shirkii kan ka horreeyay iyo meesha ay hadda wax maraayaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa madasha kasoo jeediyey saami – qeybsiga lacagaha deeqda ah sida EUBS & DUP 2023. Waxa uu sidoo kale wasiirka la wadaagay madasha faahfaahin ku saabsan heshiiskii federaaleynta maaliyadda ee lagu gaaray Magaalada Baydhabo, 17 Maarso 2023.

Ugu dbeyn, Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonnaa arrimaha horumarinta hannaanka maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, deyn-cafinta iyo qaybsiga deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxibbada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here