Guddoomiye Madaale oo Xarigga ka jaray kawaan cusub oo loogu talo-galay in lagu iibiyo Kalluunka: SAWIRRO

0
242

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray kawaan cusub oo casri ah, kaas oo loogu talagalay inay ku shaqeeyaan iskaashatada kalluunka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in kawaankan cusub uu qayb ka qaadanaayo dhiirri-gelinta iyo casriyeynta suuqa ganacsiga kalluunka ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Ubax, guddiga iskaashatada kalluunka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here