Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhagax-dhigay waddooyin muhiim ah oo laga hirgelinayo qaybo ka mid ah degmadaas: SAWIRRO

0
243

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Cali Axmed Faarax (Cali Fahle) ayaa dhagax-dhigay waddooyin Interlock ah oo laga hirgelinayo Axmed Gurey oo ah waaxda koowaad ee degmada Hodan iyo waaxda labaad ee Kacaan, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen kuwo dhibaatooyin badan ay ku qabeen dadka deegaanka.

“Waxaan dhagax-dhignay waddooyin Interlock ah oo laga hirgelinayo Axmed Gurey iyo Kacaan, waddooyinkan ayaa ahaa waddooyin aad u burbursan, dhibaato badanna ay ku qabeen dadka iyo gaadiidka isticmaala, waxaana kusoo gaddoomi jiray biyaha kuwaas oo godad ka jeexa marka uu roob da’o,” ayuu yiri guddoomiye Axmed Fahle.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in xaafadaha qaarkood ay ka go’aan xaafadaha kale ee waaxda, isagoo xusay inaysan jirin meel looga gurmado. Waxa uuna xusay in la billaabay dhismooyinka waddooyinka, iyagoo soo gaba-gaboobi doona sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Marka waddooyinkan la dhameystiro, waxaa xigi doonta in la naleeyo ama nal lagu xiro, sidoo kalena la nadaafaddooda laga shaqeeyo, isla markaana dactir joogta ah lagu hayo Inshaa Allaah,” ayuu sheegay guddoomiye Fahle.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa sheegay in dhimayaasha waddooyinka oo ka mid ah  adeegyada loo sameeyo bulshada ay sii wadi doonnaa illaa inta laga suulinayo waddo aan dhisnayn oo degmada Hodan ku taalla hadduu Rabbi qadaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here