Guddoomiye Madaale oo ka Warbixiyay Hawlgal lagu soo qabtay Maandooriye oo laga fuliyay degmada Cabdulcasiis: VIDEO

0
483

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Yuusuf Madaale) ayaa ka warbixiyey hawlgal lagu soo qabtay maandooriyeyaal kala duwan oo laga fuliyay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho oo uu wehliyay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa sheegay inaysan dowladdu jiifin ee ay meel walba ugu galayso maandooriyaha, kuwa ka ganacsada iyo kuwa isticmaala, isaga oo sheegay in maandooriyahan lasoo qabtay kaddib markii la helay xogi muhiim ah.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa uga mahadceliyay laamaha amniga dowladda oo iska kaashaday soo qabashada maandooriyahan iyo dadkii ku lugta lahaa, waxa uuna sheegay in meel walba aan looga harayn, kuwa caadeystay inay ka ganacsadaan mandooriyaha iyo wixii la hal-maala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here