SAWIRRO: Munaasabad lagu xusay toddobaadka Naas-nuujinta oo lagu qabtay Muqdisho iyo Mas’uuliyiin ka Qayb-galay

0
304

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay isbuuca naas-nuujinta, kasoo ay ka qayb-galeen madaxda hay’adaha WHO, UNICEF iyo haweenka Gobolka Banaadir.

Munaasabadan oo uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha xiriirka dibadda iyo hay’adaha caalamiga, Mudane Maxamed Xasan ayaa sanadkan lagu xusay ahmiyadda naas-nuujintu u leedahay dhallaanka, iyadoo hal ku dhigga sanadkan uu yahay in fasax ay helaan haweenka shaqeeya xilliga ay naas-nuujinta ku jiraan, si ay ugu helaan waqti ku filan carruurtooda.

Agaasimaga Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdieaxmaan Axmed ayaa munaaaabadda naas-nuujinta shalay Muqdisho ka furay, waxa uuna ka sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in carruurya Soomaaliyeed naas-nuujin ku filan, isagoo intaas ku darwy in dhamaan degmooyinka iyo deegaannada ay ka kooban tahay Caasimadda lagu qaban doono munaasabado naas-nuujinta lagu dhiirri-gelinayo.

Ugu dambeyn, Daraasad dhawaan laga sameeyay Soomaaliya ayaa lagu sheegey in 38% dhallanka Soomaaliyeed ay helaan lix bilood oo naas-nuusjin ah taas oo uu macnaheedu yahay in saddexdii carruur ah uu mid ka mid ah helo lix bil oo naas-nuujin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here