Ra’iisul Wasaare Xamse oo Magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka: SAWIRRO

0
370

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100-aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, garawsadayna hawlada baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada ee hoos ku xusan:

1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here