Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta soo xiray tartan aqooneedkii degmooyinka gobolka Banaadir ee Idaacadda codka caasimadda oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Mudane Yabooh ayaa bogaadiyay maamulka Idaacadda codka caasimadda ee gobolka Banaadir iyo degmooyinka Daaru-salaam, Shibis iyo Heliwaa oo kaalimaha hore ka galay tartanka, waxa uuna madasha ku guddoonsiiyay abaal-marin lacageed iyo shahaadooyin ay ku muteysteen aqoontooda.
Guddoomiyaha ka hor agaasimaha idaacadda codka caasimadda, mudane Cabdinaasir Xersi Iidle ayaa faahfaahiyay qaabka uu tartanku ku bilowday iyo sida kaalimaha loo kala galay, isaga ooo u mahad-celiyey guud ahaan degmooyinka iyo mu’asasadda Jabair Bin Xayaan oo su’alaaha soo diyaarisay.
Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda, xiriiriyaha haweenka amniga iyo nabadda, guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal waaxeedyo, taratamaashii degmooyinka iyo marti-sharaf ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.


































