Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay kulan hawleedka maqaamka caasimadda ee hannaanka dib-u-eegista dastuurka.
Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ayaa si qotao-dheer looga hadlayaa maqaamka caasimadda iyo xulashooyinka caasimadeed ee miiska saaran ee loo kala doorayo si loogu xulo nuuca ugu haboon, ka qeayb-galayaasha ayaa doodo ka yeelanaya dhammaan noocyada xulasho, si ay isugu raacaan hal xulasho oo ay uga taliyaan inuu noqdo maqaamka caasimadda.
Furitaanka kulanka waxaa ka qayb-galay wasiir-u-dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, marwo Muumino Sheekh Cumar, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dastuurka, Dr Xuseen Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha bulshada rayidka ah, Cusmaan Muxidiin Macallim (Shaatax), agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale.
Dhammaan mas’uuliyiinta ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay dadaalka ay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ay hormuudka u tahay ee lagu doonayo in dastuurka dalka lagu caddeeyo maqaamka caasimadda Muqdisho oo arrintiisu xilli dheer soo taagnayd.




























