Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki iyo madax kale: SAWIRRO

0
242

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay aqalka madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, arrimaha gobolka, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo guud ahaan xaaladda caalamka.

Madaxweyne, Xasan ayaa uga warbixiyey dhiggiisa Eriteriya, Afwerki dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Khawaarijta iyo sidii ay dalka oo dhan uga xoreyn lahayd.

Ugu dambeyn, Labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynuhu ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteriya, halkaasoo ay ku arkeen shacab ku caweynaya amni iyo baraare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here