Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, taasoo lagu shaacinaayay natiijada Imtixaanka shahaadiga fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2023-2024.
Imtixaankii Fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir ayaa sanadkan waxaa u fariisatay ardey gaareysa 34,792 oo isugu jira gabdho iyo wiilal, waxaana imtixaanka ku gudubay 32,689 arday, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan keenin arday gaareysa 2,103.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa hambalyo u diray guud ahaan ardeyda ka qayb-gashay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad, macalimiinta iyo waaliddiinta, waxa uuna si gaar ah ugu hambalyeeyay ardeyda kaalimaha ugu horreeya galay, isagoo xusay in maamuus gaar ah loo sameyn doonno.
Ugu dambeyn, Munaasabada waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, agaasimaha guud ee agaasinka waxbarashada G/Banaadir, agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo bahda waxbarashada gobolka Banaadir.































