Shir lagu xalinayay cabashadii ay qabeeb ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maanta wajigiisii 1-aad lagu qabtay xarunta dekadda magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay ka qayb-galeen taliyeyaasha, ciidamada booliiska iyo nabads-sugidda Qatanka, wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo maamulka dekadda Muqdisho.
Qodobada ugu muhiimsan ee xalka laga gaaray waxaa ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa,
1. 𝐂𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚 x𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 k𝐨𝐧𝐭𝐞𝐞𝐧n𝐚𝐫 j𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚.
Wasiirka maaliyada Xukuumadda Somalia, mudane Biixi Imaan Cige oo shirka kaddib warbixin kooban la wadaagay saxaafadda ayaa sheegay culeysyadii dhaqaale ee cabashadu ka timid in meesha laga saaray, sidoo kalena wuzuu sheegay in maata laga billaabo aysan dhici doonin cabashooyin ka yimaada jabinta konteenarku marka uu soo gaaro dakadda magaalada Muqdisho.
2. 𝐒𝐨𝐨𝐠𝐚𝐥𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐃-𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda, ayaa sheegay wada-tashi dheer kaddib in la xalliyay dhammaan cabashooyinkii ay ka qabeen ganacsatada arrimaha ID-ga, balse qaabka loo xaliyay iyo sida uu noqonayo waxaa dib ka soo sheegi doona maamulka dekadda magaalada Mudqdisho.
3. 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 g𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐚 k𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥l𝐚𝐝𝐚 m𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚.
Waxaa gabi ahaanba la baabi’iyay lacagihii lagu qaadi jiray baraha hubinta ee looga boxo magaalada Muqdisho, sida waddooyinka u kala baxa Balcad iyo Afgooye, kulankii maanta ayaa la isku raacay in mar dambe aysan dhicin cabasho noocaas oo kale ah.
Ugu dambeyn, waxaa laga wadahadlay arrimo u badan h𝐚𝐛 m𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥, taasoo iyana lagu ballamay in la xaliyo dhammaantood, iyada oo ay jiri doonaan kulammo kale oo loo ballamay.





















