Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer dhiirrigelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidamada amniga ee hawlgalka amni xaqiijinta kawada duleedka degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ciidanka sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah u xusay afar marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asiga oo ballan-qaaday in uu kafaalad qaadayo qoyskooda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mdane Yuusuf Madaale ayaa saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay deeq isugu jirtay 20-neef oo ari ah iyo agab kale oo ay istivmaalaan ciidamada, taasoo qayb ka ah dhiirri-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku hawlan sugidda amniga iyo badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.
Ugudambeyn, Kormeerkan ayaa waxaa qayb ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha hay’adda NISA ee gobolka Banaadir, Mudane Cabdifataax Shaaweeye, guddoomiyaha degmada Garasbaaleey, guddoomiyaha degmada Hawlwadaag, culuma’udiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha Amniga.






















