Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray hawlgal ay ciidanka booliiska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen maandooriyaal halis ku ah bulshada caasimadda, kaasoo lagu gubay duleedka degmada Kaaraan.
Goobta hawlgalka lagu soo bandhigayay ee maandooriyaha la xariira waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qaybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, G/sare Macallin Mahdi iyo saraakiil kale.
Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu digay cid kasta oo ku hawlan isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha in ay ka-waantoobaan ciddii lagu soo qabtana sharciga lala tiigsan doono.

























