Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu xilka la wareegay sanadkii 2022-kii waxaa horyaallay dhawr caqabadood oo amni oo ay ka mid yihiin; argagaxiso ku bullaashay baadda shacabka oo si aan gabasho lahayn lacag xoog uga qaata dukaamada ku yaalla waddada Maka Al-mukara illaa xoolaha dhaqatada joogta gobolka Mudug.
Argagaxisada Al-shabaab oo aan shan sano wajihi dagaal oo dib ugu faafay deegaanno horay loo xoreeyay iyo kuwo hor-leh, ciidan si weyn u kala qaybsan oo siyaasadda faraha loo geliyay uga mashquulay shaqadoodii, haddaba laba sano kaddib xaalku waa sidee?
Waxaa isku furmay magaalada Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, sida; Muqdisho-Baladweyne, Muqdisho-Xarardheere, waxaana gacanta argagaxisada laga saaray 215 deegaan oo ay haysteen, waxaana dagaalladii dhacay lagu dilay 5,000 oo argagaxiso in ka badan, waxaana hoos u dhacay 80% falalkii aragagaxiso ee ay Al-shabaab ka geysan jireen Muqdisho. Dhanka kale, labadii sano ee lasoo dhaafay la tababaray lana qalabeeyay 10,000 oo askari oo loo qoray dhammaan gobollada dalka.
Guulaha amni ee la gaaray intaas kuma eka, ee su’aashu waxay tahay sidee horumarradaas baaxadda leh ay ku suuro-galeen muddadaas labada sano ah?
Madaxweyen Xasan Sheekh oo garwaaqsan muhiimadda aasaasiga ah ee amniga iyo xasilloonida ay u leeyihiin horumar kasta oo Qaran oo macno leh iyo xaqiijinta Soomaaliya oo xasilloon oo ka caaggan argagaxisada ayaa durbadiiba qaaday tallaabooyin dhiig-joojin ah iyo kuwo ku saleysan istiraatiijiyado mustaqbalka dhaw iyo midda fog ah.
Qorshaha amniga Qaranka ee lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa la hirgeliyay, dowladduna waxay qaadday dagaal saddex jaho ka kooban, kuwaas oo kala ah; dagaal millateri, dagaal dhaqaale iyo dagaal fikirka gurracan ee khawaarita lagu ciribtirayo.
Madaxweynaha ayaa ciidamada xoogga dalka u jiheeyay shaqadoodii Qaranka, waxaana iyagoo kaashanaya dadka Soomaaliyeed wajahay cadowga, waxaana shacabka, waxaana kacay shacabka oo garab iyo gaashaan ka helaya dowladdooda.
Hiiraan oo hormuud u ah halganka socda, waxaa ka dhacay hawlgallo ay shacabku door weyn ku lahaayeen. Ciidamadii kasoo dhaqaaqay waqooyiga Hiiraan, gaar ahaan aagga Matabaan maanta waxay ka hawl-galayaan xuduudka Shabeellada Dhexe. Deegaannada la xoreeyay ee gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah; Moqokori, Yasooman, Terejento, Beerxaano, Booco, Nuur Fanax, Garasiyaani iyo kuwo kale oo fara badan.
Shabeellaha Dhexe, ciidamadii Cadale ka duulay waxa uu waqooyi u dhaafay xuduudka gobolka Galguduud, waxaa isku furmay Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo ay ku jirto degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal ayaa khawaarijta laga fara-maroojiyay.
Waxaa xoroobay Xarardheere oo 15-sano ay khawaarijtu haysteen iyo deegaanno kale oo ka mid ah Galguduud. Afar furumood ayuu cadowgu wajahayaa dhanka Bari iyo Koonfur, waxaana ciidamadu joogaan Ceeldheer iyo Masagawaa oo laga xoreeyay Khawaarijta, waxaana jiho kasta ka xiga ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh inta ay hawlgalladu socdeen waxa uu dhiirrigeliye u ahaa ciidanka naftood hurayaasha ah, waxa uu gaaray furumaha dagaalka ee deegaannada la xoreeyay. Deegaannada uu tagay waxaa ka mid ah; Baxdo, Nuur-dugle, Masaajid Cali Guduud, Xaradheere iyo kuwo kale.
Duullaanadan iyo dagaalladan waxay bannaanka soo dhigeen taag-darrada iyo fulaynimada khawaarijta, waxaana goobaha dagaalka laga diiwaangeliyay dhacdooyin argagax leh, waxaa lagu arkay deegaannada la xoreeyay raadad diinteenna iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka fog. Dagaalka uma dhexeeyo keliya dowladda iyo khawaarijta ee waa mid u dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo khasaarijta banneystay dhiiggooda.













![Golaha Wasiirrada XFS Ansixiyay Qorshaha Isbeddelka Qaran [NTP 2025-2029]: SAWIRRO](https://codkacaasimadda.com/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1740323508606-218x150.jpg)








