Diyaarad siday raashin gargaar ah ayaa maanta ka degay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool,si loo gaarsiiyo dadka go’doonka ku jira ee ku suagn degamda.
Maamulka degmada Xudur ayaa lagu wareejiyay raashinka gargaar ka ah, waxaana la faray in si dhaqso ah loogu qeybiyayo dadka ku dhibaateysan degmada oo mudo 8 san ah go’doon ku jirtay.
Dhanka kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku sugan degmada Xudur, ayaa laamaha amniga faray in si dhaqs ah loo furo wadoyinka degmada.
Madaxweyne Laftagreen waxuu sheegay in Maamulkiisa uu wado qorsheyaal lagu xoreenayo deegaanada ay weli dhibaatada ku heyso Alshabaab.